Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo la kulmay Dhiggiisa dalkaTurkiga”SAWIRRO”

$
0
0

WhatsAppShare

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha  Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Dhiggiisa dalka Turkiga.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha aya la kulmay Agsssimaha Wasaaradda Warshadaha Science iyo Technology dalka Turkiga iyagoo ka wada hadlay  sidii uu iskaashi Ganacsi u dhexmari lahaa labada Wasaaradood.

Agaasimaha ayaa si doo kale la kulmay dhammaan Shirkadaha dalka Turkiga kuwaas oo doonaya inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashiga ee Yaalla Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ee DFS ayaa si wayn usoo Dhaweeyay dhamaan shirkadaha ka soo qayb galay kulanka iyo sida ay uga go,an tahay inay Soomaaliya maalgashi dhankasta leh ku sameystaan.

Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa balan qaaday in ay shirdaha dalka Turkiga ala shaqayn doonan sidii ay maalgashi ugu samaysan lahaayeen Fursadaha yaalla Soomaaliya, isagoona tilmaamay in ay fulin doonaan codsiyada Shirkadahaas ay soo gudbiyeen ee ku Aadan dhanka maalgashiga.

Agaasimaha ayaa la kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Rugta Midowga Ganacsiga dalka Turkiga Tobb, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirkalabada Rug iyo inla Tababaro Shaqaalaha Rugta Ganacsiga, iyo samaynta Guddi ganacsi oo labada dal ah.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa ka Mas’uul ah Howlaha Baaxadda leh ee dhanka Maalgashiga ku saabsan ee Dowladda Turkiga ay doonayso inay ka samayso dalka.

Ugu dambaytii Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa Dadaal Ugu jira Sidii loo Xoojin lahaa Xiriirka Ganacsiga iyo midka Siyaasadeed ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kuna guulaystay howllo badan intii uu shaqada hayay  Mudane  Cabdullaahi Maxamed  Cali “Sanbaloolshe”

11214361_913012762112453_3084350933978340918_n12241683_913012635445799_5253147355720655313_n11214361_913012762112453_3084350933978340918_n 12227112_913012608779135_8671823933397704950_n 12241683_913012635445799_5253147355720655313_n 12243207_913012675445795_8916143755026851245_n 12243458_913012548779141_3533847995854036351_n 12274701_913012712112458_1044169446771549861_n

 

 

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles