Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ganacsato Soomaali ah oo hantidooda lagu gubey koofur Afrika-Sawirro

$
0
0
Dukaamo ganacsi oo ay la haayeen muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu gubay dalka South Africa, kuwa Kalena waa lagu boobay xilli la isku diyaarinayo doorashada dowladaha hoose ee dalka South Africa. Xilli todobaad kaliya ay ka harsan tahay doorashooyinka dowladaha hoose ee dalka South Africa ayaa magaalooyinka iyo gobolada kala duwan ee dalkaan South Africa waxaa ka dhacaya dambiyo kala duwan oo lala xariirinayo arimaha doorashooyinka ee diyaar garowka loogu jira. Falalka laamaha amniga laga diiwaan galiyay waxaa ay isugu jiraan dilal,dhac ,iyo waliba rabshado lagu boobayo goobaha ganacsiga ee dadka ajaanibta ah iyo kuwa South Africaanka ah. Falkii ugu dambeeyay ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Mbkweni oo qiyaastii  70 km u jirta magaalada Cape Town  kadib markii shacabka xaafadaasi loo diiday dhul ay guryo ka dhistaan waxaana taa badalkeeda ay dhigeen banaan baxyo arintaasi ay uga soo horjeedaan taana ay sababtay in kooxo burcad ah ay ka faa’iideystaan oo ay boobeen goobaha ganacsi oo ay lahaayeen dadka ajaanibta ah oo ay ku jiraan dukaamo ay ku ganacsadaan dad Soomaali ah. Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dhibaatada kasoo gaartay ayaa ku booqday halka dhibaatada ka dhacday waxaana ay ii sheegeen in kooxo burcad ah oo kusoo dhax [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles