Muqdisho, 28th 2016….Maxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray shirka dib u eegista tacliinta sare ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey xaflada lagu soo xirayey shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya muhiimad dheraad ah ay siin doonta tacliinta sare ee dalka. Madaxweynaha oo ka hadlayey waxbarsahadda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu ka soo gudbay marxalado adag oo soo maray lana jogo waqti loo dhaqaaqi karo horumarin iyo wax-wadaqabsi. “Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marina tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka iyo dowladda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri” Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayeey ka cayaari kartaa dhisidda awoodda dadweynaha iyo dalkuba, waana in loo istaagi sidii aan u dhisi lahayn siyaasad mideysan oo ka turjumeysa tacliinta. “Waan ka baxney wixii na lagu tilmaami jiray ee ahaa inaan nahay dal fashilmey, waxaana la isku raacay inaan nahay dal soo [...]
↧