Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirrada Dhalinyaro cusub oo waxbartay oo ku biiray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

$
0
0
Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo udub dhaxaad u ah sugidda amniga gudaha ee dalka ayaa muddooyinkan danbe ku tallaabsanayay horumarro dhinacyo badan leh tan iyo intii ka danbaysay markii loo magacaabay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeeed S/Gaas Max’ed Shiikh Xasan waxaa kor u kacayay tayada Xubnaha ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed. Taliye Xaamud ayaa xoogga saaray sidii ciidanka Booliiska uu heli lahaa Jiil Cusub oo ka qayb noqda kor u qaadidda tayada ciidanka, mudadaas intii ka danbaysayna waxaa soo badanayay ku soo biiritaanka ciidanka ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax bartay, sida kuwa dhamaystay Waxbarashada heerka Jaamacadeed iyo kuwa dugsiyada sare. Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ah kuwa ugu faca wayn Ciidamada Qalabka sida ayaa waxaa uu soo maray marxalado kala duwan, haatana waxaa muuqda ifafaalo in Booliiska Soomaaliyeed uu muddo dhow gaari doono horumarro u suurta galiya inuu si buuxda u xaqiijiyo sugidda amaanka nafta iyo maalka muwaadinka soomaaliyeed.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles