Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirro Ciidanka NISA Oo Muqdisho Ku Qabtay Gaari Walxaha Qarxa Ay Saaranyihiin

$
0
0
Ciidanka Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, kaas oo la dhigay meel  Wadada Dhinaceeda. Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA la hadlay ayaa sheegay in gaariga la dhigay goob wadada dhinaceeda ah oo ay aad ugu badanyihiin dadka shacabka ah. “Dhibaato ayay u maleegayeen dadka masaakiinta ah, waad ujeeddaan gaariga waxaa laga helay Fuusto ay kabuuxaan aaladaha qarxa, Haamo, Jawaano biro iyo boolal laga soo buuxiyay RPJ iyo qoryo”.ayuu yiri Mudane Qaasim Ugu Dambeyntii Guddomiyaha Degmada ayaa u mahadceliyay Ciidamada Hay’adda NISA iyo Shacabka dagmada oo Markii ay gaariga arkeen ku wargaliyay hay’adaha Amaanka. Sawir=Qaade:Farxaan Saleebaan Daahir

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles