Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciyaaryahannada Puntland oo u soo gudbay Final-ka tartanka maamul goboleedyada

$
0
0
Kooxda kubbada cagta ee  maamul goboleedka Puntland ayaa isu baxday Finalka tartanka ciyaaraha gobollada dalka kaddib markii hal gool uga badisay kooxda ku ciyaareysay magaca gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan. Ciyaartan oo aad u kululayd ayaa qeybteedii hore lagu kala nastay 0-0. Markii la isku soo laabtay ayaa labada kooxood waxa ay isku dayayeen sidii ay gool u heli lahaayeen, waxaana ugu dambeyn shaqaba tagay Putland dhammaadkii ciyaarta. Ciyaaryahanka Yacquub oo u ciyaarayay kooxda Puntland ayaa dhaliyay goolka kaddib kubbad dhinac ka timid oo ay wiilasha Putland madaxa ku geeyeen goolka waxaana soo saaray goolhayaha kooxda SHabeelle Hiiraan, laakiin ciyaaryahan Yacquub oo ag taagnaa ayaa shaqaba dhex dhigay. Garsootaha ciyaarta oo Seeriga oo afka lagu hayo ayaa waxaa kaarka cas ka qaatay kooxda Puntland ciyaaryahan Yaasiin oo maqnaan doona ciyaarta Final ka ay Isniinta la yeelan doonaa maamul goboleedka Jubaland.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles