Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland, ayaa maanta doortay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo oo ay u tartamayeen Afar Musharaxiin. Maxamuud Yaasiin Axmed, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo oo ku soo baxay Wareegii Saddexaad ee Doorashada, kaddib markii uu ka adkaaday Musharaxiintii la tartameysay. Sidoo kale Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa doortay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo oo loo doortay Farxaan Cabdi Gaafaa oo ka adkaaday Musharax kale oo la tartamaayay. Goobta Doorashada ay ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, iyo xubno ka mid ah Wasiirada Puntland. Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo oo ka koobnaa 31 ruux ayaa maanta u codeeyay Guddoomiyaha iyo Ku xigeenkiisa. Doorashadan ayaa ka dambeysay kaddib markii Madaxweynaha Puntland uu dhawaan kala diray Maamulkii hore ee Degmada Gaalkacyo.
↧