Wariye caan ah oo u dhashay Bellarussia ,isla markaana ka shaqeynaayey Ukraine ayaa la dilay maalinimadii shalay, kadib markii walxaha qarxa loogu xiray Gaariisa oo marayay bartamaha Magaalada Kiev.. Pavel Sheremet, oo da’diisu aheyd 44, waxa uu u shaqeynaayey website ka Ukrainska Pravda,isagoo horay u ahaan jiray mid ka shaqeeya shaqaalaha TV-qaranka ee Raashiya,ka hor intii uusan u soo dhaqaaqin Ukraine. Wariyahaasi ayaa xilligga uu la qarxay Gaari uu watay waxa uu ku socday Radio Vesti oo ah raadiyo gaar ah oo lagu casuumay barnaamij subaxeedka Radio show. Madaxweynaha Ukrainian Petro Poroshenko ayaa dilka wariyahaaasi ku tilmaamay dambi, wuxuuna amray in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan
↧