Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda faderaalka Soomaaliya talaadadii 19-kii julay 2016, ayaa kulan isugu yeertay gudigga la talinta mashruuca Adeegga maagelinta gaarka ah ee hormarinta gobolada, oo ka kooban Wasaaradda Maaliyadda, Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo masuuliyiin matalaysa Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe, kulankaasi oo ujeddkiisu ahaa sidii ay talo ay uga bixin lahaayeen sida mashruuca loo gaarsiin karo Gobolada, iyada oo baahiya ay ka imaanayaan dadaka deegaanka. Mashruuca Adeegga Maalgelinta Gaarka ee hormarinta Gobolada (Special Financing Facility for Local Development) wuxuu daba socdaa hawlahii uu bilaabay mashruucii SFF ee ay maalgelisay Dowladda Nowray oo howshisu la soo gaba gabeeyay 31/12/2015. Ujeedada mashruuca waa dib-udhiska kaabayaasha dowladda dadwaynaha (Public infrastructure) iyo tayeeynta awooda wax qabad ee hay`adaha maamul goboleedyada. Mashruuca waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraysa bangiga Aduunka iyo Qaramada midoobay xafiiska Nada-dhiska (peace building) Hirgelinta mashruuca waxaa hoggaaminaysa Wasaaradda Maaliyadda ee Dowaldda faeraalka Soomaaliya, gaar ahaan waaxda fulinta mashaariicda (project implementation Unit) Wasiirka Maaliyada mudane Maxamed aadan Ibraahim Fargeeti oo furay kulanka gudiga ayaa sharaxaya muhiimadda Barnaamijkaan, oo ay ka mid tahay in uu shaqo abuurid u samaynayo dadka deegaanka, in uu gacan ka gaysanayo dhismaha hay`adaha maamulka, sidoo kalana uu dhiiri galinayo shirkadaha ganacsi ee deegaanka laga fulinayo. “Ahmiyada barnaamijkaan [...]
↧