Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

DAAWO SAWIRADA : Bilicda iyo Dib u Dhiska Magaalada Baydhobo

$
0
0
Baydhabo waa xarunta gobalka Baay, Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxa ay u jirtaa qiyaastii 250Km, waxa ayna kaga beegantahay dhinaca Koofur Galbeed. Beydhabo, ayaa hadda Xarun K.M.G u ah dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ee uu Madaxweynaha u yahay Mudane Shariif Xasan Sh Aadan, oo ah Hoggaamiye jecel in hormariyo dib u dhiska iyo hormarka deegaanada Koofur Galbeed ee uu mas’uulka ka yahay. Magaalada Baydhabo, waxa ay kamid tahay Magaalooyinka ugu Faca Weyn dalka Soomaaliya, Magac ahaan dadka Soomaaliyeed waxa ay ku hal qabsadaan ”Baydhabo Janaay” waxayna safka hore uga jirtaa magaalooyinka ugu dadka dadan Soomaaliya. Baydhaba Janaay, waxa ay maanta ka soo kabaneysaa burbur xooggan oo ka soo gaaray dagaal kala duwan oo ay soo martay, waxaana ka hana qaaday maamul ay soo dhisteen dadka deegaanka oo ka tashaday aayahooda. Qurbe-joog, Ganacsato iyo Muwaadiniinta ku nool Magaalada Baydhabo ayaa billaabay in ay dib u dhis iyo maalgashi ku sammeystaan magaalada, waxaana ku soo kordhay dhismeyaal casri ah iyo daaro dhaadheer oo marka aad sheedda kore ka eegto bilicdeedu aad kuu soo jiidaneyso. Maamulka Degmada ayaa dhankiisa ku howlan dib u dhiska waddooyinka iyo soo celinta adeegyadii dantaguud, iyadoo dib u hagaajin ballaaran lagu sammeeyay jidad burbursan [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles