Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

AMISOM oo sheegtay in la baarayo odayaashii lagu laayay Wardiinle

Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliyeed AMISOM ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadii shalay lagu laayay dad shacabka ah oo ku noolaa deegaanka Wardiinle ee gobolka Baay, xilli halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab. Baaritaanada hor u dhaca ah ayaa muujinaya in ciidanka AMISOM ay heleen xog lagu kalsoonaan karo oo ah in tuulada Wardiinle maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka wadeen dhaq dhaqaaq isla markaana lagu baxay. Markii ciidamada ay tuulada u soo dhawaadeen waxaa dhaba gal ku sameeyay maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana goobtaas ka bilowday dagaal labada dhinac u dhaxeeay. Maleeshiyaadkii argagaxisada ahaa waa laga itaal roodaanay wayna ka carareen goobtaas markii khasaare la soo gaarsiiyay. Ilaa iyo hada ma cadda in sababta dhimashada dadka rayidka ah keentay uu yahay dagaalka sida la sheegay. “AMISOM nolasha dadka shacabka ah qiimo weyn ayay u haysaa, hase yeeshee wixii dayacaad ama khalad ah oo ay geystaan askarta AMISOM  waa lagula xisaabtamayaa si waafaqsan shuruucda midowga Afrika iyo xeerarka kale ee caalamiga ah iyo kan xuquuqda aadanaha,” sidaas waxaa sheegay wakiilka midowga Afrika danjire Francisco Madeira. “Xafiiskeyga oo la tashanaya dowladda Soomaaliya, waxaa ay [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles