Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayay saraakiil la dalacsiiyay “SAWIRRO”

Munasabadan   oo ahayd  mid lagu dhaarinayey  sarakiil cusub oo ka tisan ciidanka booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo ah dhallinyaro Jaamacadaha kaga soo biiray  Sanadkaan Booliska ayaa  lagu qabtay xarunta Taliska booliska Soomaaliyeed ee magalaada Muqdisho . Munasabadda  lagu dhaarinayey Sarakiisha  Cusub booliska  Soomaaliyeed  ayaa  waxa ka qayb galay Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya , Wasiiro, Taliyaha Ciidanka booliska, taliyaha ciidanka  Asluubta, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya  Sacuudiga, Ururka Haweenka Qaranka iyo Sarakiil kale, waxaana heeso  ka hadlaya waxqabadka iyo waajibaadka Ciidanka Soomaaliyeed ka qaadayey  fanaaniinta  Hobolada Heegan . Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed  Sareeyo Gaas  Maxamed Sheekh Xasan Xamud oo warbaahinta la hadlay  ayaa  sheegay   inay sharaf wayn u tahay ciidanka booliska Soomaaliyeed in ayku  soo biraan   dhallinyaro Jaamiciyiin ah.    Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles