Gudoomiyaha Baarlamaanka faderaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa la kulmay qaar ka mida Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Koofur Afrika qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi, Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Ganacsatada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee Johannseburg,ayaa goob joog ka ahaa Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika,Odayaal,Waxgarad, Ganacsato iyo Dhalinyaro matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah dadkii lagu casuumay Kulanka ayaa Gudoomiyaha ugu xog waramay xaaladda Soomaalida K/Afrika,waxa ayna ka sheekeyeen dhibaatooyinka iyo horumaradda Soomaalida K/Afrika,gaar ahaan dilalka iyo dhibaatooyinka ka heysta Sharciga. Gudoomiyaha. Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya K/Afrika,Danjire Jamal Barrow oo isagane dhankiisa ka warbxiyay xaalada guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed,waxa uu sheegay inay tahay Jaaliyad u dhiganta Dowladda Soomaaliya isagoo intaasi ku daray in Jaaliyadda Soomaalida ay taageero mar walba la garab taagantahay Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay K/Afrika, “Mudane Gudoomiya Soomaalida South Africa waa Dowladda gacanta ku heysa Safaaradda,waa dad deeqsi ah waa dad oo hadii loo baahdo Safaaradda garab taagan taasina dhiiragalin ayay na tusaysaa “ayuu yiri Danjire Jamal Barrow. Ugu dambeyntii Gudooomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed,Mudane Maxamed Sh.Cismaan ( Jawaari) oo ka hadlay kulanka ay Soomaalida ee Johannseburg ku casuuntay ayaa ka hadlay arimo [...]
↧