Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha  Koofur Galbeed oo gaaray Baydhabo-Sawirro

$
0
0

Waxaa maanta magaalada Baydhabo gaarey wafdi hordhac ah oo ka qeybgalidoona Shirka madasha qaran ee ka furmi doona magaalada Baydhabo maalinta  berito ah.

Xilli maalinta berita ah la rajeynayo in magaalada Baydhabo uu ka furmo  shir madasha qaran oo looga hadlaayo ayaaha dalka iyo doorishooyinka dadban ee la filaayo in dalka ay ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkan aanu ku jirno  ayaa waxaa magaalada Ku soo qulqulaya wafuuda ka qeybgalaysa shirkaasi.

Maanta waxaa magaalada soo gaarey wafdi iskugu jiray wasiiro, xildhibaano oo uu hogaaminaayey madaxweynaha Koofur Galbeed  Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu marti galinaya  oo maalimihii ugu dambeyey safar uga maqanaa dalka dibadiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa goroonka diyaaradaha magaalada Baydhabo si diiran uga soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka KG oo ugu horeeyey gudoomiyaha Baarlamanka KG wasiiro, xildhibaano iyo  waliba taliyaasha ciidanka XDS kuwa nabad ilaalinta midawga Afrika ee AMISOM.

Waxaana mdaxweynuhu uu kormeeray goobaha loogu talagalay in lagu qabto shir madasha qaranka ee beri ka furmi doono magaalada Baydhabo

Madaxweynaha ayaa kormeerka kadib la hadlay warfidiyeenka waxaana uu sheegay in dowlada KG si qurux badan ay u marti galin doonto shirka.

Sidoo kale maanta magaalada Baydhabo soo gaarey saraakiil ka tirsan ciidanka asuubta Soomaaliyeed oo uu hogaaminaayey taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed sareeyo gaas C/laahi Moogaw  Colaw, waxaana ay qeyb ka ahaayeen wafdiga madaxweynaha koofur galbeed Soomaaliya.

Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socotay ayaa kormeerey xabsiga weyn ee magaalada Baydhabo halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha qeybta asluubta ee gobolka Baay.

IMG_1325 IMG_1324 IMG_1320 IMG_1319 IMG_1317 IMG_1312 IMG_1297 IMG_1294 IMG_1286 IMG_1285

IMG_1282

W/D: Siraaji Sheekh isxaaq

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles