Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Doorka haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay “SAWIRRO”

$
0
0

Kulankan wada tashiga ah e ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya,  isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Wasaradda Haweenka, Xildhibaanno, qaar ka mid ururrada bulshada iyo marti sharaf kale  ayaa ujeedkiisu ahaa qaabka ay haweenka uga qabeyn qaadan karaan hanaanka siyaasadeed ee doorashada e 2016ka ka dhici doonta dalka, iyado ay Wasaaraddu soo bandhigtey afarta hanaan doorasho si ay haweenku uga doodaan

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka  oo u badnaa haweyn ayaa ku booriyey ka dowlad ahaan iyo ka haweyn in si mideysan loogu doodo  sidii haweenka Soomaaliyed ay u heli lahayen xaquuqda ay ku leeyhiin siyaasadda dalka xilli ay bilooyin kooban ka harsanyihiin xiliga kala guurka ee 2016,

Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye ayaa ku boorisay haweenkii ka so qeyb galay kulanka in ay ka wada shaqeeyaan midnimo, una dhaqaaqaan horumarka dalkooda si ay kaalin muuqata uga galaan hanaanka doorashada wadanka

Markuu kulankaasi soo idlaaday  ayaa wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xaquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya  Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada, gaar ahaan haweenka, maadaama uu ku qotomo doorka haweenka ay ku leeyihiin hanaanka siyaasadeed ee dalka.

13410380_1123296014396173_71282760_o 13453019_1123296027729505_1991313851_o 13453379_1123295721062869_1280803659_o 13453412_1123296041062837_1183661656_o 13453456_1123295897729518_316578001_o 13460742_1123295801062861_1046547444_o 13461000_1123295904396184_1278862886_o 13467323_1123296114396163_330468617_o 13467332_1123295694396205_1834368787_o (1) 13467332_1123295694396205_1834368787_o 13493187_1123295834396191_1378218075_o 13493205_1123296094396165_463619370_o 13493622_1123295804396194_425360560_o 13499399_1123296187729489_1193949447_o 13499424_1123295917729516_366894955_o 13499729_1123295941062847_1662221494_o (1) 13499782_1123295987729509_865681814_o

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles