Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Tartamayaasha degmada Howlwadaag oo u soo gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO+DHAGEYSO”

$
0
0

IMG_0217

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Howlwadaag Vs Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Howlwadaag iyo Xudur iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin labada degmo.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Howlwadaag iyo Xudur  waxey noqotay sidan:-

Howlwadaag

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Afar su’aal oo waxa ay iska qaldeen Saddex, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Hal su’aal oo soo hareermartay Xudur, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Howlwadaag ay heleen noqoneysaa 10 dhibcood (Toban dhibcood).

Xudur

Tartamayaasha Degmada Xudur  waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal,  halka ay iska qaldeen Lix  su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Xudur ka dhigeysaa inay heleen 2 dhibcood (Labo dhibcood).

Hadaba kulankii 14aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,

Habeen dambe oo ah habeenka 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Baydhabo iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan gobollada Benaadir iyo Baay.

Halkan ka dhageyso Tartanka 


,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });


,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });

 

IMG_0020  IMG_0033 IMG_0047 IMG_0089 IMG_0093 IMG_0108 IMG_0111 IMG_0113 IMG_0116 IMG_0123 IMG_0128 IMG_0129 IMG_0176 IMG_0193 IMG_0200 IMG_0201 IMG_0203 IMG_0204 IMG_0208 IMG_0210 IMG_0211 IMG_0214 IMG_0217

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles