Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Tababar loo qabtay shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug+Sawirro

$
0
0

Shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ee maamulka Galmudug ayaa tababar aqoon kororsi ah loogu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada ee maamulka Galmudug ayaa socondoona muddo shan maalmood ah, waxaana hawlwadeennadan oo gaaraya 25-Ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gaalkacyo, C/waaq, Balanbal, Hobyo iyo deegaano kale ay ku qaadan doonaan macluumaad xirfadooda lagu hormarinayo.

Axmednuur Cusmaan Cali agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in si tayada waxbarashada sare loogu qaado ay muhiim noqotay in shaqaalaha wasaaradda tababaro la siiyo.

Wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa hadda ku hawllan dhamaystirka waaxyaha iyo xafiisyada wasaaradda ee gobolada Mudug iyo Galgaduud.

DSC07837 DSC07839 DSC07855 DSC07857 DSC07858


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles