Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Mas’uuliyiinta dalka Niger oo sheegay iney heleen meydadka 34 tahriibayaal ah

$
0
0

Masu’uliyiinta Dalka  Niger ayaa sheegay inay ka heleen meel u dhaw  Sahara  Xuduuda Wadanka Aljeeriya  Meydadka 34 muhaajiriin ah  oo ay Haween iyo  caruuri ku jiraan.

Bayaan uu soo saaray Wasiirka Arrimaha gudaha Niger  Bazom Mahamed  ayuu ku sheegay  in Tahribayashaasi Meydadkooda la helay  ay u dhinteen Haraad,  kadib markii uu ka cararay ninkii mukhliska ahaa ee waday.

Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in Dadka dhintaya 9 ka mid ah ay ahaayeen Haween iyo Caruur, xiliga dhimashada Dadkaasina ay u dhaxeysay  6-12kii bishan aynu ku jirno ee Jun, iyadoo laba ka mid ahna ay ka soo jeedeen dalka Niger, wuxuuna wasiirku ka cudur daartay  inuu tafaasiil ka bixiyo aqoonsiga jinsiyadaha ay ka kala soo jeedeen Tahriibayaasha dhintay.

Dhanka kale Ururka dowliga ah ee muhaajiriinta (IOM)ayaa sheegay in 120kun Tahriibayaal ay sanadkii la soo dhaafay mareen lama degaankaasi  ku yaal waqooyinka Dalka Niger.

Dalka Niger ayaa waxa u ku yaala goob istaraatiiji u ah Tahriibayaasha wuxuu isku xiraa Qaarada Afrika iyo Yurub.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles