Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Tartamayasha degmada Deyniile oo laga reebay tartankii caawa “SAWIRRO+DHAGEYSO”

$
0
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad oo is xiga Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Deyniile Vs Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Deyniile iyo Garbahaareey iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Deyniile iyo Garbahaareey waxey noqotay sidan:-

Deyniile

Tartamayaasha Degmada Deyniile sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Hal su’aal oo waxa ay iska qaldeen 6 su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Deyniile, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Deyniile ay heleen noqoneysaa 2 dhibcood (Labo dhibcood).

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal,  halka ay iska qaldeen Afar u’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Saddex su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Deyniile, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Garbahaareey ka dhigeysaa inay heleen 12 dhibcood (Labo iyo toban dhibcood).

Hadaba kulankii 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,

Habeen dambe oo ah habeenka 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Boosaaso iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan gobollada Bari iyo Benaadir.

Halkan ka dhageyso tartankii caawa


,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });


,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });

 

DSC05281 DSC05282 DSC05285 DSC05286 DSC05287 DSC05289 DSC05292 DSC05298 DSC05299 DSC05300 DSC05304 DSC05306 DSC05308 DSC05311 DSC05312 DSC05316 DSC05319 DSC05320 DSC05324 DSC05327 DSC05329 DSC05334 DSC05338 DSC05340 DSC05344 DSC05345 DSC05347 DSC05350

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles