Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Sheybaarkii dhexe ee Xoolaha Soomaaliya oo dib loo furey rubuc qarni kadib-Sawirro

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha dhirta iyo daaqa ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray sheybaarka dhexe ee caafimaadka xoolaha Soomaaliya ee Muqdisho.

Dr. Maxamed Muuse Yusuuf,  oo ku hadlayay magaca hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO   oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka xaruntan sheybaar  ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in wasaaradda xanaanada xoolaha ay ka gacan siiyaan qalabka loo adeegsanaayo hubinta caafimaadka xoolaha.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa sheegay in furitaanka sheybaarkan ay xaqiijineyso in la hubiyo caafimaadka xoolaha Soomaaliya ee dibada loo dhoofinaayo.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha dhirta iyo daaqa ee dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid, ayaa tilmaamay in xarig ka jerista xaruntan ay qeyb ka tahay in la soo celiyo kaalintii sheybaarka dhexe xoolaha uu dalka ku lahaa.

Sheybaarkan ayaa waxa uu ahmiyad weyn ugu fadhiyaa caafimaadka xoolaha Soomaaliya,waxaana tani ay qeyb ka tahay qorshe wasaarada xanaanada xoolaha soomaaliya ay ku dooneyso in kor loo qaado tayada caafimaadka xoolaha Soomaaliya.

13441546_979751478790348_2095567602_o 13441708_979751505457012_279768893_o 13452991_979751482123681_1367570668_o 13453042_979751515457011_1396125504_o 13453269_979751485457014_1598352569_o 13459597_979751498790346_56311577_n 13467377_979751518790344_578359031_o

W/D: Ibraahim Guudle

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles