Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka, halka dhageystayaasha ay kala socdaan Idaacadda, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad oo is xiga Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Kismaayo Vs Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Jubba Hoose iyo Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Mustaf Maxamed Axmed Warcadeeya ayaa faah faahin ka bixiyay su’aal ay ka murmeyn tartamaayasha degmada Heliwaa, iyadoo laga qanciyay doodii ay qabeen.
Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Kismaayo iyo Heliwaa iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Kismaayo iyo Heliwaa waxey noqotay sidan:-
Kismaayo
Tartamayaasha Degmada Kismaayo sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen afar su’aal oo waxa ay iska qaldeen 3 su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ahaan u heleen labo su’aal oo ay soo hareermartay tartamayaasha degmada Heliwaa, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Kismaayo ay heleen noqoneysaa 12 dhibcood (Labo iyo toban dhibcood).
Heliwaa
Tartamayaasha Degmada Heliwaa waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen 5 u’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Kismaayo, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Heliwaa ka dhigeysaa inay heleen 6 dhibcood (Lix dhibcood).
Hadaba kulankii 8aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo inta u tartanka socday ku badisay dhibcihii ugu badnaa, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,
Habeen dambe oo ah habeenka 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Xamar Jajab iyo Boondheere oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.
Halkan ka dhageyso tartanka
,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });
,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir