Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xuska Maalinta macalinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Kuwait “SAWIRRO”

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Munaasabadda xuska maalinta macalinta Soomaliyeed oo uu soo qaban qabiyay Golaha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Maareeye, Safiirka Soomaaliya Soomaaliya ee dalka Kuwait Danjire Cabdiqaadir Amiin Sheekh ,iyo sidoo wefdi balaaran oo la socdey Wasiirka La taliyaha wasiirka, Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Kooxda Waaberi

Ugu horeyntii munaasabadda waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Hiddaha iyo Dhaqanka mudane Maxamed Axmed Daahir kana hadley gole ahaan waxey dhanka waxbarashada uga qabtaan jaaliyadda iyo sidoo kale doorka macalinku ku leeyahay bulshadda

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait Danjire Cabdiqaadir Amiin Sheekh oo ahaan jirey macalin hore oo ka hadley munasabada ayaa hambalyo u direy macalimiinta Soomaaliyeed, una rajeyey horumar iyo baraare joogta ah.

Dr Maxamed Muuse bedel oo ah bare Jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacada Gulf ee dalka Kuwait oo ku hadley magaca macalimiinta Soomaaliyeed ee dalka Kuwait ayaa ka hadley doorka macalinka iyo hawsha adag oo ay u hayaan bulshada ay la noolyihiin

Munaasabado intii ay soctey ayaa waxaa halkaas lagu soo bandhigey riwaayad ka tarjumeysa ardayga iyo macalinka iyo sidoo kale ciyaarta dhaantada oo ay jaanta  isla raaceen da’ yarta jaaliyadda si qurux badan aadna loogu riyaaqey.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo soo xirey munaasabada ayaa  macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta macalinka, kana hadlay waxqabadka iyo qiimaha uu macaliminka Soomaaliyeed u leeyahay bulshada, ugana mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait sida wacan ay u soo dhaweyeen asaga iyo wefdigiisa.

Gunaandkii munaasabada ayaa Wasiirku gudoonsiyey shahaado sharaf uu Golaha Hiddaha iyo Dhaqanku ugu talagely Macalimiinta iyo wefdiga la socdey Wasiirka sidoo kalen Goluhu Gudoonsiyey shahaado sharaf Wasiirka.

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku asteysan 21 Novembar oo ku beegan maanta, ayuu Golaha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed  xuska maalintaan qabteen maalinimadii khamiista maadaama wefiga Wasiirku ay safar u soo ahaayeen dalka.

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
image
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9463
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9481
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9511
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9638

Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9687
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9693
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9712
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9732
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9735
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_9828

 Mohamed Taher

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles