Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dad danyar ah oo loo sameeyay qaliin indho fiiqid iyo baaritaanno caafimaad “SAWIRRO”

$
0
0

Ku dhawaad 50  ruux  oo dan yer ah kuna nool degmada Xamar wayne ayaa manata  loogu sameeyay xarunta degmadda  qaliin iyo baaritaanno indho fiiqid  lacag la’aan kaasi ay u fuliyeen  Hay’adda Horn Afric save vision, oo ka shaqeyso  taaguleynta dadka danta yar kuwa la xanuunsanaya  indhaha, iyadoo  goobta indha fiiqista iyo baarista lacag la’aanta  uu  goobjoog ka ahaa  maamulka Degmada Xamareyne,

Mashruucan la dagaallanka indha fiiqista iyo baarista indhaha  ee lacag la’aanta ah ayaa waxaa  fuliyay dhaqaatiir Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Dr, Maxmaed Amiin Cumar, iyagoo baaraya dadka ka xanuunsan indhaha.

Dr  Axmed  Maxamed  Cali oo ah guddoomiyaha , Mu’asasda  Horn Afric save vision ayaa sheegay in ay farxad u tahay maanta in degmada Xamar weyne ay ka fuliyaan mashruucan indho fiiqista ah.

“Mashruucan la dagaalanka indhaha, waxaa maanta ka furaynaa degmada Xamarweyna,waxaana  dadka  aan  u smaeyn doona , qaliin iyo baaritaanno indho qiifis ah, waxaana  jaclahay in Soomaaliya oo dhan inaa ka fulino,  mashuuracan  guud ahaan dalkeena ,anigoo dadka aan  danta yer ah , aan  u smaeyno ku dhawaad 3,000 kun oo ruux, ah” ayuu yiri Dr Axmed.

Guddoomiyaha Degmadda Xamrweyne  Cabdiqaadir Maxmaed Cabdiqaadir, ayaa  u mahadceliyay dhaqaatirika  fulineyso qaliinka indho fiiqista iyo baaritaanka lacag la’aanta ah,

“Waan  u mahadcinayaa, dhamaan dhaqaatiirta,  dadka ku nool degmada Xamarweyna waxaan uga baaqayaa in ay ka faa’iideystaan  mashruuca ,waxaa jira dad aan  awoodin inuu dhaqtar tagi karo. marka kuwa aan awoodin ayaan u rajeynaa inay ka faa’iideysan doonaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne.

Qaar ka mid ah dadkii loo sameyay qaliinka indhaha iyo baarista lacag la’aanta ah ayaa  ku tilmaamay inay tahay mid lagu farxo.

vlcsnap-2016-06-09-15h40m39s14 vlcsnap-2016-06-09-16h12m03s204 vlcsnap-2016-06-09-16h12m34s252 vlcsnap-2016-06-09-16h12m46s119 vlcsnap-2016-06-09-16h13m09s63 vlcsnap-2016-06-09-16h13m19s159 vlcsnap-2016-06-09-16h13m27s241 vlcsnap-2016-06-09-16h13m41s128 vlcsnap-2016-06-09-16h13m57s36 vlcsnap-2016-06-09-16h14m07s129 vlcsnap-2016-06-09-16h14m20s6 vlcsnap-2016-06-09-16h14m28s82 vlcsnap-2016-06-09-16h14m40s206

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles