Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Tartamayaasha degmada Kaxda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka, halka dhageystayaasha ay kala socdaan Idaacadda, uuna taaba gelineyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Shibis Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Guddoomiye ku-xigeenka tartanka Mustaf Maxamed Axmed Warcadeeye ayaa tartamayaasha degmada Shibis u jeediyay digniin ah inay ilaaliyaan sharuucda u degsan barnaamijka, oo ay codka kor u qaadaan.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Shibis iyo Kaxda  iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Shibis iyo Kaxda waxey noqotay sidan:-

Shibis

Tartamayaasha Degmada Shibis sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Hal su’aal oo waxa ay iska qaldeen lix su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Shibis ay heleen noqoneysaa 2 dhibcood (Labo dhibcood).

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal,  halka ay iska qaldeen 4 u’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Shibis, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Kaxda ka dhigeysaa inay heleen 8 dhibcood (Sideed dhibcood).

Hadaba kulankii 3aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka afaraad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Wadajir iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Galgaduud.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Tartan aqoooneedka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05003
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05005
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05007
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05008
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05014
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05016
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05020
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05023
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05027
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05036
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05038
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05040
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05042
Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC05044

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles