Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Mashaariic laga hirgeliyay magaalooyinka Baydhabo iyo kuwa kale oo la soo bandhigay

Munaasabad uu soo qaban qaabiyey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu soo bandhigayay waxyaabihii laga qabtay goobaha Adeegyada Bulshada ayaa lagu qabtay maanta magaaalada Baydhabo.

Munaasabada waxaa kasoo qaybgalay Wasiiro, Xildhibaanno,odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, haweenka, culimaa’udiinka iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolada Baay iyo kan degmada Baydhabo, ayadoo halkaana looga mahadceliyey  Dowlada koonfurgalbeed waxqabadkooda iyo hay’adihii ka taagyeeray

Mashaariic kala duwan ayaa laga fuliyey degmooyinka Baydhabo, Waajid, Burhakaba iyo Wanlaweyn oo hoos yimaada Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed, kuwaas oo isugu jira xarumaha maamulada, xarumaha wacyigelnta bulshada, nalalka cadceeda ku shaqeeya, suuqyo iyo dhismaha waddooyinka.

Marka loo eego waxqabadka Dowlada Koonfurgalbeed waa mid xawli ku socda oo shacabku aad usoo jiitay.

Malaaq Cali Barre ayaa wuxuu aad ugu dheeraaday waxqabadka Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya, asagoo dadka ka codsday in ay la shaqeeyaan dowlada.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles