Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka, lagana dhageystay Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii ugu horeysay ku tartamay tartameyaasha degmooyinka Dhahar VS Yaaqshiid oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Benaadir, ayadoo barnaamijkana ay sanadkan taabagelineyso Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar VS Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay, waxaana guddoomiye ku-xigeenka tartan aqooneedka Bisha Ramadaan Mustaf Maxamed Axmed Warcadeeye uu degmo weliba weydiiyay waxa ay caanka ku yihiin.
Dhahar
Tartameyaasha degmada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa la weydiiyey todobo Su’aal waxaana ay si sax ah uga jawaabeen saddex ka mid ah. afar su’aalloodna jawaabahooda ma aysan haleelin, wax ka faa’iideysi ahna ma jirin oo ay heleen tartamayaasha degmada Dhahar, ayadoo wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Dhahar heleen ay noqotay lix Dhibcood.
Yaaqshiid
Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Yaaqshiid todobo su’aal ee la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen shan ka mid ah, labo su’aalna jawaabteeda ma aysan haleelin, si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartameyaasha degmada Dhahar, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Yaaqshiid ay noqdeen 12 Dhibcood oo ay ku badiyeen, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka tartan cilmiyeedka Musftaf Maxamed Axmed Warcadeeye oo amaan u jeediyay tartamayaasha labada degmo.
Habeen dambe oo ah habeenka labaad ee tartan cilmiyeedka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Baydhabo VS Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose.
Halkan ka dhageyso tartanka
,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });
,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir