Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shir looga hadlayo qorshaha xanaanada xoolaha Soomaaliya oo lagu wado in la soo gabo gabeeyo “SAWIRRO”

$
0
0

Kulanka oo ah mid wada tashi ah oo looga hadlayo qorshaha xanaanada xoolaha Soomaaliya iyo sidii loo horumarin lahaa oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha Dhirta iyo daaqa ee dowlada Soomaaliya oo kaashaqaneysa Midowga Yurub, xafiska kheyraadka xoolaha ee Midowga Afrika iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO ayaa galay maalintiisa labaad waxaana ka qeyb galaya Wasaaradaha xanaanada xoolaha ee dowlad goboleedyada dalka.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya , gudiga kheyraadka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale wakiilo ka socday urur goboleedka IGAD iyo dhaqaatiir,waxaana agaasimaha guud ee Wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee dowlada Soomaaliya uu ugu horeyn ka qeyb galayaasha u faah faahiyay ujeedada kulanka oo ay ka mid ahayd sidii loo heli lahaa qorshe mid ah.

Kulanka oo diirada lagu saarayo hanaanka horumarinta qorshaha Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, islamarkaana ka qeyb galayaasha kulanka ay ka doodayaan xanaanada xoolaha Soomaaliya iyo sidii loo horumarin lahaa ayaa lagu wadaa in maanta lasoo geb gabeeyo oo ay kasoo baxaan qodobo saldhig u ah horumarinta xanaanada xoolaha Soomaaliya.

vlcsnap-2016-06-05-11h41m21s118 vlcsnap-2016-06-05-11h42m16s161 vlcsnap-2016-06-05-11h42m30s30 vlcsnap-2016-06-05-11h42m48s220 vlcsnap-2016-06-05-11h43m27s102 vlcsnap-2016-06-05-11h43m48s30 vlcsnap-2016-06-05-11h44m07s254 vlcsnap-2016-06-05-11h44m19s118 vlcsnap-2016-06-05-11h44m54s206 vlcsnap-2016-06-05-11h45m18s188 vlcsnap-2016-06-05-11h45m32s72 vlcsnap-2016-06-05-11h45m53s27 vlcsnap-2016-06-05-11h46m07s169 vlcsnap-2016-06-05-11h46m35s178


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles