Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Afhayeenka gobolka Banaadir ” Mid ka mid ah kuwii hoobiyaha soo tuuray xalay ayaa la soo qabtay”

$
0
0

Ciidamada Ammaanka ee Dowladda ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah maleeshiyo hubeysan oo xalay duleedka degmada Dharkenleey kasoo tuuray labo Hoobiye, kuwaas oo aan geeysan wax qasaare ah, kuna dhacay goob kaawada laga qodo oo ka tirsan isla degmada Dharkenleey.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C.faraax Cumar Xalane oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ay baacsadeen kooxdi xalay Hoobiyeyaasha soo tuurtay, kaddibna ay qabteen mid ka mid ah maleeshiyaddkaasi.

“labo Hoobiye ayaa laga soo tuuray meel duleedka degmada Dherkenley ka tirsan, Ciidamada ayaa ka war helay halka ay ka soo dhacayeen, kadib waxa ay ceyrsadeen kooxdii waxa ay soo qabteen mad kamid ah kuwii labada Hoobiye soo riday, mana jiraan wax qasaare ah oo ay geysteen oo waxa ay ku dheceen meel Kaawada laga qodo oo ah dhul bannaan” ayuu yiri Mudane Xalane.

Afhayeenka AMISOM Joe Kipet, oo SONNA ay wax ka weydiisay in jiraan wararka qaar oo sheegayay in Hoobiyeyaasha ay ku dheceen Gudaha Saldhigga ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Xalane ayaa sheegay in Warkaasi aanu waxba ka jirin,

“Waan Maqalnay Jugta Madaaficda, laakiin waxaan idiin xaqiijinayaa in Saldhigga AMISOM ee Xalane aysan waxba ku soo dhicin, waana been haddii la sheegay in Saldhiggeena madaafiic lala soo beegsaday” ayuu yiri Joe Kipet.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Xoojiyay Sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamo la dhigay daafaha Magaalada, kuwaas oo la socda dhaqdhaqaayada dadka soo galaya magaalada Muqdisho Ama ka baxaya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles