Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaranka “SAWIRRO”

$
0
0

unnamed

Muqdisho, 29 May 2016 (Villa Somalia)— Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha qaranka ee ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Dhanka siyaasadda waxaa shirkan uu ka doodi doonaa arrimaha doorashada 2016-ka iyo dhaqan-gelinta hannaanka lagu heshiiyay ee doorasho iyo arrimaha kale ee ku xeeran.

Waxaa sidoo kale madaxda ay ka doodi doonaan Barnaamijka Siyaasadda Amniga Qaranka.

Madaxda ka qeybgaleysa shirkan ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

unnamed unnamed (3) unnamed (2) unnamed (1)

IMG_0027 IMG_0029 IMG_0030 IMG_0034


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles