Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo kormeeray goobaha ay ka socoto imtixaanka shahaadiga “SAWIRRO”

$
0
0

vlcsnap-2016-05-28-14h41m21s142Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada waxa ay kormeereen Jaamacadda Ummadda oo ka mid ah goobaha lagu qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2015-2016.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii uu gaaray xarunta Jaamacadda Ummadda, waxa ay mid mid u galay fasalada ay ardayda ku jiraan ee Imtixaanka lagu qaadayo, waxaana uu ardayda u qeybiyay imtixaanka Shahaadiga, kuwaasi oo uu u rajeeyay inay guuleystaan, kuna dadaalaan waxbarashada.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Bile Nuur oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu sanadkii labaad ay qaadayso imtixaanka shahaadiga ah, waxaana uu intaa ku daray in ay ka bilaabatay guud ahaan koonfurta iyo bartamaha.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in aytahay wax lagu farxo in ardayda dugsiyada sare ay iminka u fadhiistaan imtixaanka shahaadiga ah, waxaana uu ardayda kula dar daarmay inay ku dadaalaan waxbarashada oo ay ka gaaraan heer sare, maadaama ay yihiin mustaqbalka beri.

“Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa waalidka oo runti ku dhiiraday kuna booriyay carruurtoda iney timaado kana qeyb qaadato marka iyagana waxaan lee yahay ilaahey haka dhigo carruurto kuwii dadkooda diintoda iyo dalkooda anfaca oo Run ahaanti noqdo Mustaqbalka aynu dooneyno”ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

19,112 arday (Sagaal iyo toban kun, boqol iyo toban iyo labo arday) ayaa maanta u fadhiisatay guud ahaan imtixaanka shahaadiga ah.

vlcsnap-2016-05-28-14h34m23s51 vlcsnap-2016-05-28-14h36m00s235 vlcsnap-2016-05-28-14h37m56s110 vlcsnap-2016-05-28-14h38m10s13 vlcsnap-2016-05-28-14h38m38s52 vlcsnap-2016-05-28-14h38m50s165 vlcsnap-2016-05-28-14h41m10s35 vlcsnap-2016-05-28-14h41m21s142 vlcsnap-2016-05-28-14h41m34s15 vlcsnap-2016-05-28-14h42m04s52 vlcsnap-2016-05-28-14h42m19s210

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles