Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dadkii ku barakacay dagaaladii Gaalkacyo oo dib ugu soo laabanaya Guryahooda

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Magaalada Gaalkacyo waxaa si rasmi ah uga dhaqan galay xabad joojinti iyo heshiiskii ay gaareen madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland, iyadoo dadkii ku barakacay dagaalkaasi ay bilaabeen iney haatan dib ugu soo laabtaan guryahoodi.

Wariyaha nooga soo warama Gaalkacyo C/risaaq Maxamed Axmed ayaa ku soo sheegaya in hadda ay socdaan dadaallo la doonayo in dib loogu soo celiyo dadka danyarta ah ee aan heysan dhaqaale ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan magaaladaasi ayaa bilaabay iney gaadiid u diraan dadka danyarta ah ee aan awoodin iney dib uga soo laabtaan deegaanada ay u barakaceen oo ay haatan ku suganyihiin.

In kabadan Sodon gaari oo nooca Mini Baska ah ayaa saaka loo diray dadka ku barakacay deegaanka Xaar xaar si ay u soo daad gureeyaan boqolaal qoysas ah oo halkaasi ku barakacay kuwaas oo aan heysan qarash ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

R/wasaarahaha xuskuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleeystay in uu muwaafaqo dhex dhigo madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland, taasina waxa ay sababtay in dadkii ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles