Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyaha Shabeelaha dhexe oo daah furay mashaariic dib u dhiska Jowhar+SAWIRRO

Mashaariicdan  uu daah Furay Gudoomiyaha Goolka Shabeelaha dhexe waxa iska kaashanaya Maamulka Gobolka iyo qeybaha Bulshada waxaana lagu dhisaya qeybaha Muhiim Suuqa Magaalada Jowhar

Mashruuca ugu horeeya oo lagu dhisayon Wado dhax marta Suuqa ugu weyn Gobolka Shabelah dhexe ee Jowhar Sida uu sheegay Gudoomiya Ku xigeenka Arimaha Bulshada ee dagmada Jowhar Xasan Barrow Bocor.

“waxaan ku FAraxsanhay inaan Goob Joog u noqono Gudoomiyaha Gobolka oo Daah furaya Mashruucan lagu dhisayo Wadada Dhexmarata Suuqa Jowhar ee Xaafadda Hanti Wadaag Dhib badan ayay Gacansatadu ku qabeen wadadan waxaan rajaynaya in laga gudbi doono insha Alaah”

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelah dhexe ayaa tilmaamy in Mashaariicdan ay iska kaashanayaa Maamulka Bulshada uu qeyb ka yahay Mashruuca dalkaaga dhiso oo uu horey j dhawaaqy Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

“Mashaariicdan wa afar waxaana kow ka aha mashruucan Lagu dhisayo wadada dhexe marta Suuqa Jowhar  ee aan manta Bilownay waxaana iska kaashanay Maamulka, Ganacsatada iyo Hay adda DRC  waxa uu qeyb ka yahay Mashruuca dalkaaga dhiso oo uu Madaxweynaha Dalka  Ku Dhawaaqay  waxaana daba jooga sedex Mashruur oo kale”

Gudoomiye Guudlaawe ayaa intaa ku daray in dadka Gobolka Shabeelaha dhexe looga Baahan yahay inay doorkooda ka qaataan dib u dhiska dalka.

“Dadka Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaan leeyahay ka shaqeeya Dib u dhiska dalka aan iskaashano hadii aan isku darno waxyarka ah ee aan heyno wax waan ku dhisan karnaa waxaa inoo balan ah BAaqii Madaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ahaa dalkaaga Dhiso”

Wadadan uu dhismaha Ku bilowday waxa dhib weyn ku qabay Ganacsatda Suuqa xiliyada Roobka waxaana Bilowga dhismaheeda soo dhaweeyay Ganacsatada Suuqa Jowhar oo Halboowle u ah Ganacsiga Gobolka Shbaeelaha dhexe

C/shakuur Cali Axmed Jowhar

Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-26-15h06m59s213
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-26-15h07m06s34
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-26-15h08m01s72
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-26-15h08m18s226
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-26-15h08m39s194
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-26-15h09m35s200


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles