Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddiga gurmadka abaaraha oo ku baaqay in la gar gaaro dadka ay fahataaddu saameysay “SAWIRRO”

$
0
0

Xubnaha guddiga kahortaga abaaraha musiibooyinka iyo barakacayaasha ayaa kulanka Muqdisho ay ku yeesheen waxa ay kaga hadleen sida ugu fudud ee gurmad lagu gaarsiin karo shacabka Soomaaliyeed ee fatahaada wabiga Shabeelle uu ku saameeyey magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa kulanka lagu muujiyey lagama maarmaanimada in si dhaqso ah loo taageeero shacabka Baladweyne gaar ahaan kuwooda wali ku dhex jira biyaha, sidaasi oo kalena dib u dejin loo sameeyo qoysaska barakacay ee ku sugan magaalada.

Ganacsatada Soomaaliyeed dowlada iyo beesha caalamka ayey u jeediyeen xubnaha gudiga baaq la xiriira in la gar gaaro dadka biyuhu ay saameeyeen.

“Waxan u jeedineynaa dowlada iyo caalamka in dadka la gar gaaro, ganacsatada Soomaaliyeed iyaga waajib gaar ah ayaa saaran, waa in ay dhaqaalahooda ku bixiyaan badbaadinta dadka Soomaaliyeed”

Guddoomiye ku xigeenka guddiga kahortaga abaaraha musiibooyinka iyo barakacayaasha ahna guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheakh Axmed Gabale ayaa sheegtay in gudigu uu kaalin ka qaadan doonaan badbaadinta shacabka Baladweyne, iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabnaa in laba waxyoobodba aan sameeyno, marka hore waxan gaarsiineynaa dhaqaalaha kooban ee aan heyno, marka xigtana waxan dadka u weydiineynaa gargaar”

Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee uu saameeyey fatahaada wabiga Shabeelle, iyadoo madaxda qaranku ay ku baaqeen in laga wada qeyb galo u samafalka dadkaasi.

DSC03908 DSC03912 DSC03915 DSC03916  DSC03919 DSC03921 DSC03922 DSC03923 DSC03925 DSC03927

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles