Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Gaashaandhiga oo ka qayb galay Xaflad sarakiil tababar loogu xirayay oo Khartoum ka dhacday ” SAWIRO”

$
0
0

Xafladdan Tababarka loogu soo xirayay oo ka dhacaysay Xero Militari oo ku taal duleedka Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyadoo goob joog ka ahaa dhanka Suudaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan Cumar Xasan Axmed Albashiir iyo Madax kale.

Sidoo kale waxaa meesha goobjoog ka ahaa Diblumaasiyiin ka kala socday dhamaan Safaaradda wadamada Saraakiishooda loogu tababaray Jaamacadda Milatary ee Khartoum ku taala.

Xafladdan oo ay ku qalinjabinayeen Saraakiil Soomaaliyeed oo muddo labo sano ah Layli ciidanimo uga socday duleedka Magaalada Khartoum ayaa soo gabagabeeyay Tababarkooda, iyadoo sidoo kale tababar la qaadanayay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Gobolka geeska Afrika.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Suudaan u yimid sidii uu uga qayb gali lahaa Xafladdaas Saraakiisha tababarka loogu xirayay si uu u dareensiiyo in ay yihiin Saraakiil ciidan oo aad loogu tashanayo muhiimad gaar ahna la siinayo si wadanka u difaacaan

Sawir-qaade: Yuusuf Khasmiir

DSC07469 DSC07498 DSC07503 DSC07530 DSC07537 DSC07543 DSC07549 DSC07566 DSC07570 DSC07584 DSC07587 DSC07597 DSC07609 DSC07634 DSC07637 DSC07644 DSC07646


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles