Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo tababbar loo soo xiray

$
0
0

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo tababbar uga socday Caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum kuwaa oo qayb ka ahaa dowlado dhowra oo loo tababarayay ciidamo ayaa maanta loo qabtay xaflad qalinjabineed.

Xafladan qalin jabinta ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Axmed Albashiir, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo dhigiisa Suudaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Suudaan, safiiro iyo dibloomaasiyiin ka socotay dowladaha ay ka kala socdeen Ciidamada.

Saraakiisha ciidan ee tababarka usoo idlaaday ayaa soo bandhigay dhoola tus aad u qurux badnaa kaa oo ay la dhaceen shacabki usoo daawasho tagay.

Madaxweynaha Suudaan Cumar albashiir ayaa salaan ka qaatay ciidanka iyagoo  sidoo kale lagu dhaariyay garoonka.

Wasiirka gaashaandhiga Sudan oo ka hadlay madasha ayaa Ciidamada ku booriyay inay ka qayb qaataan sidii amni loogu soo dabaali lahaa wadamada ay kakala yimaadeen islamarkaana qayb kaga geysan lahaayeen sidii ay horumar u gaarsiin lahaayeen dadkooda.

Wasiirka ayaa ku amaanay ciidamada dhabar adeega ay layimaadeen inta uu tababarka u socday iyo sida ay diyaarka ugu sii yihiin inay u shaqeeyaan si hufnaana.

Dalka sudan ayaa Soomaaliya u tababarto Ciidamo  kala gadisan kuwaa oo qayb ka Noqda qaybaha kala duwan ee Ciidanka qalabka sida ee soo.maaliya.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles