Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliska booliska oo qalab ciidan ka guddoomay Talyaaniga “SAWIRRO”

$
0
0

Munaasabadan oo aheyd mid kooban isla mar ahaantaana qalab ciidan loogu wareejinayey  Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa lagu qabtay safaaradda Talyaaniga ay ku leedahay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeeb galay taliyaha  ciidanka booliska Soomaliya Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya iyo sarakiil kale

Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Fabrisio Marrcelli oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mar walba ay garab taaganyihiin Soomaaliya isla mar ahaantaana uu ka dhaxeeyo xiriir adag oo soo jireen ah gacana ay ka geesanayaan tayeenta ciidanka booliska

“Waxaan sharaf weyn inoo ah in Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya gaar ahaa taliyaha ciidanka Booliska S/gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud aan ku wareejino saanad ciidan aan ugu tala galnay ciidanka booliska Soomaaliya,  waxaa halkaan ka muuqata xiriirikii Soomaaliya iyo Talyaaniga uu markale soo laabanayo Talyaniga waxa ay ka mid tahay dowladaha si gaar ah u taagera ciidamada  qalabka sida’’ayuu yiri Safiirka.

Ugu danbeena Taliyaha ciidanka booliska Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  oo isna ka halay goobta ayaa doowlada Talyaaniga uga mahad celiyay qalabka ciidan ay dowlada Talyaaniga  ku wareejisay taliska ciidanka booliska Soomaliya

“Waxaan farxad gaar ah aan u jeedinayaa dowlada Talyaniga oo ka sheqeyneysa horumarka iyo tababarada ciidanka booliska Soomaaliya, Dowlada Talyaniga waxa ay dhawaan dalkeeda u qaaday 25 Saraakiil oo soo qadanaya kulan aqoon kororsi ah”ayuu taliyaha hadalkiisa ku soo xiray.

BH0A2808 BH0A2811 BH0A2813 BH0A2830 BH0A2861 BH0A2880 BH0A2755 BH0A2767 BH0A2768 BH0A2774 BH0A2796 BH0A2802 BH0A2803


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles