Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xaaladda magaalada Baladweyne oo saakay degan iyo wada hadalo la filayo in ay bilowdaan.

$
0
0

Xaalada magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in saakay ay tahay mid dagan, islamarkaana aaney jirin dagaal halkaasi ka soconaya.

Dadka magaalada iyo masuuliyiinta gobolka Hiiraan qaarkood ayaa xaqiijiyey in xaalada saakay ay tahay mid caadi ah oo ka duwan jawigii magaaladu ay ku jirtay maalmihii lasoo dhaafay oo dagaalo ay kajireen.

Waxaa la xaqiijiyey in maanta lagu wado in wada hadal uu u bilowdo  waxgarad kala matalaya labada dhinac ee ku dagaalamay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shalay ayaa lagu guuleystay in xabad joojin la sameeyo, iyadoo wixii intaa ka dambeeyey xaalada magaalada ay si caadi ah kusoo noqoneyso.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles