Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maleeshiyaad ka tirsana Shabaab oo lagu dilay degmada Aadan-yabaal

$
0
0

Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal Maxamuud Sheekh oo saaka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada XDS ay toogasho ku dileen sadex ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay magaaladaasi.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo fariisimo ka leh duleeddada magaaladaasi ay dadka ku nool magaaladaasi ku wargeliyeen maleeshiyaadkan ka tirsan Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay magaaladaasi.

“Ciidamada ayaa toogasho ku dilay sadexdaasi maleeshiyaadka ah oo hubeysnaa waxayna ciidamadu ka qaateen hub iyo qalab ciidan oo ay wateen” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Aadan Yabaal.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegay in xaalad biyo la’aan ah ay ka jirto degmada Aadan Yabaal kaddib markii ay maleeshiyaadka Shabaab burburiyeen ceelashii biyaha laga dhaansan jiray.

Gudoomiyaha ayaa dalbaday in gurmad bani’aaddanimo lala soo gaaro dadka ku nool deegaankaasi, isagoo xusay in maamulka gobolka Sh/dhexe ay ka sugayaan agabki lagu dayactiri lahaa ceelashi magaaladaasi oo ay burburiyeen maleeshiyaadka Shabaab.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles