Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dowladda oo ku howlan Qiimeynta Deeqaha Mashruuca New Deal-ka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la soo saari doono warbixin ku saabsan wixii laga hirgeliyay mashruca ay Midowga Yurub ku taageerayaan Soomaaliya ee New Deal.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Cabdullaahi Sheekh Cali “Qalloocoow” ayaa tilmaamay in la soo bandhigi doono deeqaha la bixiyay iyo meelaha lagu bixiyay.

“Waxaa la sameyn doonaa qiimeyn sanadku marka uu dhammaado, waxaa la ogaanayaa deeqihii meelaha ay galeen iyo sida loo bixiyay, gacanta ayaa lagu hayaa”. Ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray “Dhawaana waxaa la soo saari doonaa warbixin ay ku cad yihiin deeqihii la helay iyo sida loo bixiyay”

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer sheegtay in mashruucan New Deal uusan u socon sidii loogu talo galay, ayadoo Midowga Yurub ugu baaqday inay wax ka beddelaan hannaanka, Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa horay isula dejiyay hannaan lagu maamulayo deeqahaan oo looga caawinayo Soomaaliya dib-u-dhiska, dowlad-wanaagga iyo arrimo kale.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles