Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ra’aysul wasaare ku xigeenka Xukuumadda oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timi Danjire Xasharo

$
0
0

Ra’aysul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Danjire Axmed Cabdi Xaashi Xasharo, isla markaana ahaa la Taliyaha Madaxweynaha ee xiriirka dibedda.

Mudane Carte ayaa sheegay in Danjiruhu uu u lahaa aqoon dheeri ah isla markaana uu ahaa shaqsi ku weyn isaga iyo garanaysa oo dhan,wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa hawl kar waddaniyad badani ay ku duugan tahay.

Ra’aysul wasaare ku xigeenka ayaa Alle ugu baryaya marxuumka inuu janadii Fardowso ka waraabiyo, isagoo dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii uu ka baxayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo Iimaan ka siiyo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles