Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xuska 15 May oo lagu qabtay Baydhabo “SAWIRRO”

$
0
0

Munaasabadaan lagu weynaynayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, isla markaana oo uu soo qaban qaabiyay dhalinyarada maamulka Koonfur galbeed ayaa waxaa ka qeyb galay Wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale, kaasi oo xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee dalka Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay ku faraxsanyihin wafdiga Ra’iisul wasaaraha ee kala qeyb galay xuska 15-ka May.
Wasiirka dhallinyarada ee Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdullaahi Fanax ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahanyahay inay door ku yeeshaan hogaanka dalka.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Xasan ayaa tilmaamay in dhalinyarada looga baahanyahay inay ka hortagaan kuwa sida qaldan uga faa’iideysana.
Ra’iisul wasaar ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee heysata dhalinyarada ay tahay shaqo la’aan, ayna qorsheynayaan in loo helo fursado shaqo abuur ah.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kormeer howleed ku tegay xarun Wasaaradda Qorsheynta Koonfur galbeeda ay dhisayso oo loogu talagalay in lagu qabto shirarka muhiimka ah.

IMG_2595 IMG_2596 IMG_2597 IMG_2598 IMG_2600 IMG_2603 IMG_2605 IMG_2610 IMG_2612 IMG_2614 IMG_2615 IMG_2616 IMG_2618 IMG_2620 IMG_2621 IMG_2622 IMG_2623 IMG_2624 IMG_2625 IMG_2626 IMG_2631 IMG_2632  IMG_2636 IMG_2638 IMG_2641 IMG_2642 IMG_2652

IMG_2663

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles