Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

R/wasaare ku xigeenka dalka oo madaxda Galmudug kula kulmay Cadaado

$
0
0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte oo gaaray magaalada Cadaado, ayaa kulan la qaatay madaxda maamulka Galmudug, kulankaas oo looga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya marxalada dalka.

Kulanka ka dhacay Cadaado ayaa waxaa goob joog ahaa gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, wasiiro iyo xubno kale oo katirsan maamulkaasi.

Qodobada laisla soo hada qaaday inta kulanka uu socday waxaa qeyb ka ahaa arimo ay kamid yihiin, qabyo qoraalka dastuurka, siyaasada amniga qaranka, iyo doorka Galmudug ay ku leedahay ilaalinta xeebaha dalka.

Kulanka waxaa shir gudoominayey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, waxaana laisku afgartay dhamaanba qodobadii laga wada hadlay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles