Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha oo ubax dhigay taallada S. Y. L. hambalyana u diray dhallinyarada

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa maanta ubax dhigay taallada  SYL ee magaalada Muqdisho munaasabadda maallinta dhallinyarada awgeed oo ku asteysan maanta oo ah 15 May.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May, wuxuuna xusay taariikhda dhallinyaradi Soomaaliyeed ee aas aastay ururkii SYL  oo uu tilmaamay in ay nooga tageen dhaxal aan duugoobeeynin.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay usoo jeestaan horumarinta dalkooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladdu ay dadaal badan ku bixineyso daryeelka dhallinyarada iyadoo shaqooyin loo abuurayo.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed horumar iyo baraare, isagoo ku boorriyay iney ka joogsadaan tahriibka.

Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray labo waddo oo maamulka gobolka Banaadir uu dib u dhis ku sameeyay,  kuwaasoo kala ah waddada isku xirta Sayidka ilaa suuqa Bakaaraha iyo wadda Buulo Xuubeey.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay maamulka gobolka Banaadir dhismaha waddooyinkaasi, isagoo sheegay in dalku uu hore u dhaqaaqay islamarkaana ay soo laabteen adeegyadii bulshada.

.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles