Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulan looga hadlayay dhismaha dowladaha hoose oo maanta ka furmay Jowhar

Kulan looga hadlay baahinta awoodda Dowladda Dhexe iyo dhismaha Dowladaha Hoose ayaa maanta ka furmay magaalada Jowhar.

Kulankan ayaa waxa ka qeyb gala xubno ka socday qeybaha Bulshada sida odayaasha dhaqanka. ururada dhalinyarada, Haweenka, aqoonyahano iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Inta uu socda shirkan ayaa lagu faaqidi doono Ahmiyadda Nabadda, baahinta awoodda dowladda dhexe iyo maamul Wanaagga.

Duqa Magaalada Jowhar Saalax Muuddeey Cali ayaa ka hadlay faa’iida ay Dowladda Hoose ee Jowhar u leedahay in Dadku ay wax ka Fahmaan Nidaamka iyo hannaanka dowlada wanaagga.

“Waxaan ku faraxsanahay shirkan Furmay waxa uu muhiim u yahay dowladda hoose ee Jowhar dadka waxaan rabnaa inay noo soo celiyaan wixi aragti markii ay wax ka bartaan nidaamka Dowladaha Hoose~

Gudoooiyaha Dagamada Jowhar Cabduqaadir Cabdulle Buurfuule iyo Gudoomiye ku xigenka arrimaha Bulshadda ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxa ayna tilmaameen in Shirkan uu ku soo aaday waqti Munaasab ah oo loo diyaar Garoobaya Dhismaha Dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Shabelah dhexe.

Shirkan ayaa muhiimadiisu  tahay in dadka Jowhar ay wax ka fahmaan Baahinta Awoodaha Dowladda dhexe iyo dhismaha Dowladaha Hoose iyo Howlaha ay qabtaan.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-14-15h22m34s30
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-14-15h22m53s253
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-14-15h23m07s105
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-14-15h23m16s230
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-14-15h23m25s48
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-14-15h23m53s73

Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-05-14-15h24m04s184

Sawir qaade C/shakuur Cali Axmed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles