Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasaaradda Caafimaad oo dadka bilaash indhaha ugu fiiqeysa

$
0
0

WhatsAppShare

Wasiirka wasaaradda caafimaadka, Xaawo Xassan Maxamed ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay mashruuc dadka Soomaaliyedee aragga la’ indhaha loogu fiiqiyo.

Wareysi ay siisay Radio Muqdisho ayay ku sheegtay in wasaaraddu ay diyaarisay dhaqaatiir si bilaash ah dadka indhaha ugu fiiqaya, taas oo ay dadku ka wada faa’iideysan karaan.

“Qof walba oo u baahan indhaha in loo fiiqo ha yimaado wasaaradda caafimaadka, waxaan siinayaa warqad waxaana u direynaa meeshii loogu fiiqi lahaa” ayay tiri.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan uu sii socon doono, oo looga faa’iideyn doono dadka Soomaaliyeed ee aragga la’, si gaar ah waxaa mahsruucaan uga faa’iideysan kara dadka waayeelka ah.

“Haddii qof aan noo imaan Karin uu jiro, noo soo sheega waxaan ugu tagaynaa goobtiisa oo aan ugu fiiqeynaa indhaha” ayay sii raacisay.

Waa markii ugu horreysay oo dowladdu hirgeliso mashruuc indho fiiqis oo lacag la’aan ah, kaas oo si joogto ah u socon doona.

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles