Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliyayaal Ciidan oo maanta booqday dugsiga booliska ee Genaraal Kaahiye+SAWIRRO

$
0
0

Taliyaasha ciidamada Asluubta Bada iyo Cirka ayaa maanta booqdey dugsiga tababarka ee Generaal kaahiye oo tababar ugu socdo ciidamo ka tirsan booliska waxaana gudaha dugsiga tababarka Generaal kaahiye kusoo dhaweeyay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya saraakiil ka tirsan ciidanka booliska.

Kooxda fanaaniita ciidanka booliska ee heegaan ayaa goobta kusoo bandhigey sugaan ka turjumeysa sidii ay iskula shaqeyn lahayeen ciidamada qalabka sida

Taliyaha Ciidanka Cirka Sareeyo guudto Maxamuud sh Ali dable baylood oo ku hadlayay magaca taliyaha ciidanka Xoogga dalka  ayaa sheegey in ciidanka booliska  Soomaaliya uu yahay hooyada dalka isla markaana ku tilaabsaday horumar la taaban karo ay ciidamada booliska ay gaareen

‘’Anigoo ku hadlaya magaca taliyaha ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas  Maxamed Aadan Ahmed waxaa halkaan ka cadeeynayaa in ciidanka Booliska soomaaliya uu gaarey horumar weyn madaamada ciidamada booliska soomaaliya ay soo mareen mar Xalaado kala duwan balse ay hada kasoo kabsadeen ‘’’’

S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa waxaa uu u balan qaadey ciidamada tababarka ugu socdo dugsiga Generaal kaahiye inoo keeni doono ku dhawaad Boqol kori oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada  iyo Kuraas iyo miisas wax lagu baro ciidamada dhibowga ku jira

 ‘’Taliska Ciidanka Asluubta waxa ay soo saaraan qoryaha lagu tababaro ciidamada waxaan ku deeqeynaa dugsiga tababarka general kaahiye oo ay kasocdaan tababaro kala duwan waxaan ku deeqeynaa qoryo lagu tababaro iyo miisas kuraas ah oo wax lagu baro’’’

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamuud waxa uu sheegey taliska ciidanka booliska Soomaaliya uu wado dadaalo lagu hormarinayo Aqoonta iyo tababarada ciidanka booliska isagoona sheegey in ay kor dhiyeen siminaarada iyo tabarada ciidanka booliska soomaaliya

‘’Waxaan Wadnaa dadaalo aan ku hor marineyno tayeenta iyo aqoonta ciidamada booliska soomaaliya waxaana rajeyneynaa in aan gaarsiino booliska caalamka sida ay u shaqeyaan waxaa tababar kala duwan u qabaney saraakiilsha dableyda ciidanka booliska soomaaliya’’’

waa markii ugu horeysey oo ay ka qeyb  galaan sareeyaal ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo Asluubta kulan kaas oo ahaa mid lagu dhiiragaliyo todobaad walba

BH0A1376 BH0A1377 BH0A1378 BH0A1379 BH0A1382 BH0A1383  BH0A1386 BH0A1395 BH0A1396 BH0A1398 BH0A1402 BH0A1403 BH0A1408 BH0A1413 BH0A1416 BH0A1431 BH0A1433 BH0A1434 BH0A1438 BH0A1440


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles