Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare dalka oo xilka la wareegay-Sawirro

$
0
0

Munaasabadaan uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar carte, guddoomiyihi hore ee maxkamadda sare, wasiiro, xildhibaanno, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, saraakil ciidan iyo marti sharfaf kale.

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo xaflada ka hadlayay ayaa sheegay intahay wax lagu farxo munaasabadda xil wareejinta ah.

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi (Ilka-Xanaf) ayaa sheegay in garsoorka dalka uu u baahanyahay madax banaani, isla markaana xilka uu yahay mid meerto ah.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan kalsoonida bulshada Soomaaliyeed ee dhanka garsooka u soo celin lahaayeen, ayna kor u qaadayaan tayada howlwadeenada garsoorka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka dhacday ay sabab u tahay cadaalad darro, loona baahanyahay in la horumariyo arrimaha cadaaladda.

Dr Ibraahin Iidle Suleymaan, ayaa 4-bishan loo magacaabay xilka guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, kadib digreto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

vlcsnap-2016-05-10-06h02m39s960 vlcsnap-2016-05-10-06h03m10s118 vlcsnap-2016-05-10-06h03m53s389 vlcsnap-2016-05-10-06h04m17s646 vlcsnap-2016-05-10-06h04m26s884 vlcsnap-2016-05-10-06h05m19s035 vlcsnap-2016-05-10-06h05m59s571   vlcsnap-2016-05-10-06h07m14s808 vlcsnap-2016-05-10-06h07m30s101 vlcsnap-2016-05-10-06h08m16s963 vlcsnap-2016-05-10-06h08m39s261 vlcsnap-2016-05-10-06h09m06s642 vlcsnap-2016-05-10-06h07m14s808


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles