Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Maaliyadda XFS oo maanta furay tababar lagu qaadanayo aruurinta canshuuraha barriga+Sawirro

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda  Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim ‘’Fargeeti’’ ayaa maanta xarunta dhexe ee ilaalinnta cansuurha tababar uga furay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, qeybta Canshuuraha Barriga iyo Laanta ilaalada Canshuuraha ee Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed.

Munaasibadii lagu furayay tababarkaan waxaa goob jog ahaa Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaarddda Maaliyadda, Agaasimaha Waaxada Miisaaniyadda, iyo Agaasimaha Waaxda Candhuuraha Bariga, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska, Taliyaha hogaanka ilaalada canshuuraha iyo Marti kale oo ka qeyb gashay Munaasibadda.

Taliyaha hogaanka ilaalada canshuuraha Gen: Cabdulaahi Xasan Bariise oo ka hadlayay goobta tababarka ka furmay ayaa sheegay in ciidamda booliska gaar ahaan Laanta Canshuuraha ay diyaar u jihiin inay waajib kooda u gutaan si daacadnimo ah.

‘’Mudane Wasiir waxaan hortaada ka balan qaadayaa inaan qabano waajibaadka dadka iyo dalka naga saaran, una gudano si daacad ah lacagta la soo aruuriyana Jeeb gaar ah kuma dhacayso ee waxaa toos loogu gudbinayaa Bangiga Dhexe’’ ayuu yiri  Gen: Bariise.

Xisaabiyaha Guud ee Qaran Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji)  ayaa kula dardaarmay shaqaalaha qaadaya Canshuurta iyo Booliska ilaalada u ah inay ka fogaadaan Xaaraanta iyo Musuqmaasuqa, isagoo sidoo kale sheegay shaqada lahayo inay tahay tii shacabka loona baahanyahay in amaanada shacabka la dhowro.

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadii tababarka ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya  Mud Maxamed Aadan Ibraahim oo xubnihii la lababarayay u jeediyay hadal dardaaran iyo guubaabo u ahaa shaqooyinka loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed.

‘’Waxaa aad iyo aad muhiim u ah tilaabo walbo oo la qaadayo in sharciga lagu saleeyo hadii kalene wixii aan sharci aheyn ay noqonyayaan inana kusii jiro nidaam la’aantii iyo fowdadii , waxaana arinkaas dhaawacayaa sumcadda Dowladda iyo tan maamulka’’ ayuu yiri Wasiir Fargeeti.

Wasiirka Maaliyadda  ayaa gabagabadii Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si wada jir ah u bixiyaan canshuuraha barriga si Dowladdu uga maaranto kaalmada Beesha Caalamka .
Image may be NSFW.
Clik here to view.
617af5d9-1f6a-44ea-a11b-438b2de57c50
Image may be NSFW.
Clik here to view.
a8879398-6f75-4082-a8dd-6125083aee51
Image may be NSFW.
Clik here to view.
b897a1c7-0826-4d49-8a64-368bfb25a7c2
Image may be NSFW.
Clik here to view.
bda5f5b2-eb10-4c10-939d-a119d4c1478b
Image may be NSFW.
Clik here to view.
c413f98c-67f8-4cd1-8ca6-2f6d1a4018ec
Image may be NSFW.
Clik here to view.
cb26b517-d18e-427f-bb79-858677f43ee2

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles