Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ururka Haweenka Qaranka oo baaq u diray duubabka dhaqanka Hiiraan iyo SH/Dhexe “SAWIRRO”

$
0
0

Ururka Haweenka Qaranka ayaa casho sharaf u sameeyey duubabka dhaqanka Gobolada Hiiraan iyo SHabeelaha Dhexe, waxaana dhextaal u aheyd ka hadalka dhameestirka shirka Maamul u sameynta labada gobol, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Xuseen Guudlaawe.

Haweenka ayaa sidookale hadiyado Guddoonisiyay duubabka dhaqanka si ay ugu dhiira geliyaan howsha adag ay labada gobol u hayaan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa ka codsatay duubabka dhaqanka ee labada gobol inay dadajiyaan dhismaha Maamulka Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe.

Duubabka Dhaqanka ayaa uga mahad celiyay Ururka Haweenka casha sharafta ay u sameeyeen dhaqanka, waxaana ay sheegeen inay isku raaceen inta badan habkii wax ay u qeybsan lahaayeen maamulka, isla markaana dhawaan lagu dhawaaqayo, loona gudbayo wejiga ugu dambeeyo ee dhismaha Dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe oo ka hadlay munaasabda ayaa sheegay in Haweenku ay yihiin lafdhabarta bulshada, loona baahanyahay in boqolkiiba sodon laga siiyo maamul goboleedka la dhisayo.

“Haweenku wya dowladnimo jecelyihiin, markii gobolkaan la ii soo magacaabay Haweenka ayaa i soo dhaweeyay, waxaan rabnaa Haweenku waxa ay doonayaan in la siiyo 30% ugu yaraan waana hubaa inay mudanyihiin Dowlad Goboleedka la dhisayo mid tusaale fiican u noqda xaquuqda Haweenka ha noqdo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Cali Guudlaawe

 

IMG_20160502_192042 IMG_20160502_192232  vlcsnap-2016-05-03-01h22m10s164 vlcsnap-2016-05-03-01h22m18s4 vlcsnap-2016-05-03-01h22m29s87 vlcsnap-2016-05-03-01h22m39s211 vlcsnap-2016-05-03-01h22m49s60  vlcsnap-2016-05-03-01h23m08s0 vlcsnap-2016-05-03-01h23m22s125 vlcsnap-2016-05-03-01h24m43s172  vlcsnap-2016-05-03-01h25m05s149 vlcsnap-2016-05-03-01h25m35s177 W/D: Cabdishakuur Cali Axmed Jowharvlcsnap-2016-05-03-01h25m50s83

W/D: Cabdishakuur Cali Axmed Jowhar


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles