Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidan dalka UK ka socda oo soo gaaray Soomaaliya

$
0
0

Koox ka tirsan ciidan dalka  British  ayaa yimid Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka la dagaalanka kooxda argagaxisada ee Al-shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo waxaa waxaa ay tababaro siin doonaan ciidanka midowga Afrika ee AMISOM  si loo labo laabo gulufka ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaas oo ka tirsan guutada koowaad ee ciidanka militiriga dalka UK.

Tirada ciidankan ayaa gaaraya  70 askari, ayagoo la yimid qalab badan oo ay kamid tahay sahey, dawooyin iyo injineerada ciidanka.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii bishi September ee sanadkii la soo dhaafay uu kaga dhawaaqay magaalada New York, ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska David Camaroon, isagoo xilligaas sheegay in tiro ciidan ah ay u diri doonaa Soomaaliya kuwaas oo hoos iman doona qaramada midoobay.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles